RW Cumar oo ka codsaday baarlamanka ansixinta saddexda guddi Qaran

Read Time:35 Second

Mareeg.com: Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka dalbaday baarlammaanka Soomaaliya inuu dhakhso u ansixiyo guddiyada qaran ee ay xukuumaddu meel-marisay dhawaan.

Golaha wasiirrada ee Soomaaliya ayaa Khamiistii tagtay meelmariyay guddiyada garsoorka, doorashooyinka iyo xudduudaha ee Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa sheegay in ansixinta saddexda guddi ay saldhig u tahay in la gaaro hiigsiga Soomaaliya ee sannadka 2016-ka.

Sharma’arke ayaa dhinaca kale tilmaamay inay xukuumaddu abuurayso ciidammo gaar u tababarn oo beegsan doona Al-Shabaab, kuwaas oo dhawaan dhamaysan doona tababar u socda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu baarlammaanku ku yeeshay Muqdisho oo uu xildhibaannada ugu faah-faahiyay qorshe-hawleedka xukuumadda

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.