RW Cumar oo dhaawacyo ku booqday isbitaalka Erdogan ee Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Cumar oo dhaawacyo ku booqday isbitaalka Erdogan ee Muqdisho

Mareeg.com: Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii 20-kii bishan lagu qaaaday Hotel Central, kuwaasoo ku jira Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho.

Cumar Isb

Wuxuu xaqiijiyay inay qorsheynayaan labada maalin ee soo socota inay isbitaallo dalka dibaddiisa ku yaalla u qaadaan dadka qaba dhaawacyada culus.

Raysul wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta Isbitaalka, isagoo u kuur galay xaaladda caafimaad ee dadka dhaawac ah.

Wuxuu uga mahadceliyay maamulka Isbitaalka daryeelka ay u fidiyeen dhaawacyada ku jira Isbitaalka.

unnamed-91

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa mid mid u booqdey kana xog wareystay xaaladooda caafmaad, inkastoo ay ku jiraan Isbitaalka dad ay xaaladoodu adag tahay, Ra’iisul wasaaraha inta uu booqanayey dhaawacyada ayuu war-bixinno ka dhageysanayey Dhaqaatiiirka adeegga Caafmaadka ee Isbitaalka.

Madaxweynaha dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa isla maalinta uu dhacay qaraxa soo jeediyay in dadka ku dhaawacmay weerarka loo qaado dibadda, si ay u helaan daryeel caafimaad oo horumarsan.

Weerarka lagu qaaday Hotel-ka oo ay sheegatay Al-Shabaab, waxaa ku dhintay 25 qof oo ay ku jireen laba xildhibaan iyo ku-xigeenkii duqa magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay reysal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Booqashada iyo kulankaasi kaddib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlayey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), waxaana uu sheegay in ujeedada booqashadan ay aheyd sidii loogu adeeggi lahaa Xaaladda guud ahaan dadkii ku soo waxyeelloobay Qaraxii Central Hotel ka dhacay Jimcihi la soo dhaafay.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaruhu uu uga mahadceliyey maamulka Isbitaalka Ordugan sida ay ugu dadaaleen in lala tacaallo xaaladda caafmaadka dhaawacyada la keenay.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd madkii qaraxyo ka dhacay hotel Central ay ku dhinteen ilaa 25 ruux, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!