RW Cumar oo buuq ka abuuray baarlamaanka (Muxuu sameeyey?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Cumar oo buuq ka abuuray baarlamaanka (Muxuu sameeyey?)

Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo maanta hortegay baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyadoo laga sugayo inuu halkaas geeyo xubnaha xukuumadda wuxuu codsaday in la siiyo 10 maalmood oo uu xukuumadda kusoo dhameystiro, baarlamaanka ku horkeeno.

Hadal uu ka horjeediyay  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid baarlamaanka hortiisa ayuu ku sheegay inuu baarlamaanka ka codsanaayo in 10-maalin loogu daro.

“Waxaa idinka codsanayaa, maadaama dalka uu ku jiro xaalad adag inaad i siisaan 10-cisho oo dheeraad ah, si aan ku soo dhameystiro Xukuumadda” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku kala qaybsamay arintaasi, waxaana bilwoday buuq iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu codsaday in R/wasaaraha la fasaxo, baarlamaanka go’aan gaaro.

“Ra’iisul Wasaaraha aan fasaxno, ajnadaha aan ka hadalno, buuqa aan joojino, hala aamuso, is dejiya” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shekh Cusmaan Jawaari.

Baarlamaanka ayaa haatan ka doodaya iney ku dhaqaaqaan 2 qodob midkood, kan 1-aad ah in cod loo qaado xukuumaddam oo la ogolaado ama la diido, ama in cod loo qaado codsiga RW Cumar ee ah 10-ka maalmood ee dheeraad ah.

Lama oga go’aanka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in RW horay u codsaday 14 maalmood oo dheeraad ah kadib markii xukuumaddii uu soo dhisay 12-kii Janaayo lagu diiday qaab dhoolsatus ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!