RW Cumar “Mudnaanta koowaad waxaan siin doonaa xasilloonida siyaasadda & fulinta hiigsiga ee 2016”

Read Time:2 Minute, 3 Second

Mareeg.com: RW cusub ee Soomaaliya, Cumar C/rashdii ayaa markii uu maanta codka kalsoonida ka helay baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ka hadlay qorshihiisa iyo sida uu u shaqeyn doono.

RW Cumar ayaa ballanqaaday inuu soo dhisi doono xukuumad loo dhan yahay oo qancisa dhinacayada kala duwan ee Soomaaliya.

“Waxaan ballanqaadayaa inaan soo dhiso Xukuumad loo dhan yahay, Xukuumaddaas oo noqon doonta mid matasha qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana leh karti, aqoon, hufnaan, khibrad iyo firfircooni, Hadafka Xukuumadda aan soo dhisi doono, wuxuu noqon doonaa, in la hormariyo, lana hiigsado, gaaritaanka Isku-filnaasho dhanka Amniga, Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada sida ugu dhakhsida badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Wuxuu sheegay RW in inuu xooga saari doono dib u heshiisiinta, fulinta Higsiga Cusub, adkeynta Amniga, iyo Horumarinta Cadaaladda.

“Waxyaabaha ugu horreeya ee aan mudnaanta siin doonno waxaa ka mid ah xasilloonida siyaasadda, dhameystirka dib u heshiisiinta, fulinta hiigsiga ee 2016-ka, adkeynta amniga, horumarinta cadaaladda, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dakhliga dowladda, maamul-wanaagga maaliyadda la dagaalanka musuqmaasuqa, kordhinta adeegga bulshada, dar-dargelinta dowlad-wanaagga iyo dib u dhisidda iyo dib u habeynta hay’adaha dowladda,” ayuu yiri Cumar C/rashiid.

RW Cumar ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii is faham u dhexmari lahaa xafiiskiisa, madaxtooyada iyo golaha Shacabka Soomaaliya.

“Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono ka sokow, aniga oo kaashanaya Madaxweynaha, Hoggaanka Golaha Shacabka, Xildhibaanada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, una dhaxeysa Madaxda Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleedba, si dib loogu hanto kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed, helitaanka Xasiloonida iyo isfahamka Siyaasaddu, wuxuu lafdhabar u yahay jiritaanka qaranimada Soomaaliya” ayuu yiri RW Cumar.

Dhan kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey xubnaha golaha shacabka codka kalsoonida ee ay siiyeen Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, isagoo sheegay in uu balan qaadayo inay wada shaqayn buuxda dhex mari doonto isaga iyo Ra’iisul wasaaraha tixgalina uu siin-doono go’aamada golaha wasiirada, isla markaana inuu ku difaacayo sarreynta sharciga.

“Waxaan idinka mahadcelinayaa ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo aan u soo magacaabay Danjire Cumar oo kalsooni aan ku qabo inuu howlaha harsan dhameystiri karo, sidoo kalena uu sii wadi karo howlihii labadii sano ee lasoo dhaafay lasoo qabtay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo ugu baaqay R/wasaare Cumar inuu degdeg ugu hawlgalo dhisidda xukuumad cusub si loo gaaro hadafka dalka ee ku aaddan horumar, ammaanka iyo xaqiijinta hiigsiga 2016.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.