R/wasaare Cumar kasoo laabtay Imaaraadka Carabta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

R/wasaare Cumar kasoo laabtay Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashid Cali Sharmare iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib socdaal ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta.

R/wasaare Cumar waxaa socdaalkiisa ku wehlinayey Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Gadiidka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Lataliyayaal iyo Xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaraha iyo waftigiisa ayaa booqasho qaadtay 3 maalin waxay ku joogaan dalka Isutaga Imaaradka Carabta oo ay marti qaad ka heleen madax dalkaas, waxayan kulamo gooni gooni ah la soo qaata madaxda ugu saraysay.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiisaka mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafada uga warbixiyey waxyaalihii u soo qabsoomay waftiga intii ay ku suganaayeen magaalda Dubai.

“Waxaan la kulanay  madax kala duwan, waxaana kawada hadlnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya laba dal” ayuu yiri Maareeye.

“Dowlada Soomaaliyana waxay uga mahadcelisay dowalada Imaaradka Carabta kaalamada balaaran ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya taas oo  isugu jirta dib u dhiska, tababarka ciidamadda, arrimaha gar gaarka, iyo caafimaadka” ayuu sidoo kale yiri Wasiir Maareeye.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!