RW Cumar C/rashiid booqasho ku tegaya gobolka Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Cumar C/rashiid booqasho ku tegaya gobolka Galgaduud

Mareeg.com: Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee maamulka dowladda Soomaaliya Xuseen Cali Wehliyo (Cirfo) ayaa xaqiijiyay booqashada raysul wasaaraha.

Waxaa lagu wadaa in raysul wasaaraha uu kala hadlo maamullada kajira gobolka sidii loo dardargelin lahaa maamul u sameynta gobollada dhexe, iyo sidii loo joojin lahaa colaadaha soo noq noqda ee ka dhaca gobolka Galgaduud.

Ciidamo ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo la wareegay amaanka garoonka diyaaradaha iyo goobaha uu R/wasaaruhu tegayo.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa Isniintii booqday gobolka Galgaduud, isagoo ku guuleystay inuu soo afjaro colaad ka taagneyd degmada Guriceel.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 10-kii bishii hore booqday magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.