RW Cumar Cabdirashiid oo maanta ku wajahan Jabuuti

Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

RW Cumar oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa saaka u dhoofaya Jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo dowladda Soomaaliya sheegtay in booqashooyinkaas ay qqeyb ka yihiin xoojinta xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya dalalka deriska ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatray Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia,Hailemariam Desalegn  iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Tedros Adhanom.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha dalalka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245