RW Cumar Cabdirashiid: Ahmiyadda 1-aad waxaan siinayaa milateriga (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Cumar Cabdirashiid: Ahmiyadda 1-aad waxaan siinayaa milateriga (Sawirro)

Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid oo ay wehliyaan Sii-hayaha Xilka Wasiirka Gaashaandhigga iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta kormeeray  xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) iyo saraakiiisha qeybaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa munaasabaddaasi.

RW ayaa ka qeybgalay munaasabad ka dhacday xarrunta wasaaradda difaaca, munaasabadda  ayaa intii ay socoday ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) waxaana uu ka sheekeeyay marxalladihii kala duwanaa oo uu soo maray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Jen. Indhaqarshe ayaa tilmaamay in taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya uu ku howlan yahay dib u dhiska milateriga, taas oo hadda meel wanaagsan maraysa.

Jen. Indha-Qarshe, taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay in taliska ciidanku uu guulo badan ka gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Janaraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Sii-hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku guuleysatay in ay soo celiso xiriirka Wasaaradda iyo Beesha Caalamka taasina sababtay in dowladda Mareykanka ay xarumo Ciidanka Soomaaliya lagu tababarayo ka sameysato gudaha Wadanka.

Ugu dambeyntii, kulan ayaa waxaa soo gunaanaday Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Cumar C/rashiid, waxaana uu sheegay in xukuumadiisu ay ahmiyadda balaaran siin doonto dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya si loo helo ciidan isku filan oo awooda difaac dalka.

“Ahmiyadda 1-aad, ahmiyadda 2-aad iyo ahmiyadda 3-aad xukuumadayda waa adinka, runtii haddii uu qaran awood, dhaqaale, sharaf iyo xasilooni leeyahay waa ciidan, markii hore oo aan Ra’isulwasaraha ahaa waan ka shaqeynaayay haddana waan ka shaqeyn doonaa insha’alah” ayuu yiri Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid u sheegay milateriga Soomaaliya.

Waa xarruntii dowladadeed tii ugu horreysay ee RW Cumar C/rashiid uu kormeer ku tago tan iyo markii xilkaas markii labaad dhawaan loo magacaabay, iyadoo weli laga sugayo inuu soo dhiso xubnaha Golaha Wasiirada.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!