RW Cumar Cabdi Rashiid oo gaaray Dhuusa Mareeb

Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo uu ka mid yahay wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka, C/raxmaan Odawaa iyo xubno kale.

Wafdiga R/wasaaraha waxaa halkaas kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin uu horkacayay wasiirka Gaashaandhiga iyo maamulka degmada iyo kan Gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb, waxaa loo galbiyay madasha uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Gobolada Dhexe.

Lama oga muddada uu R/wasaare Cumar joogi doono magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245