RW Cabdiweli: Waxaan codsanayaa in dhinacyadii muranku saameeyey is cafiyaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Cabdiweli: Waxaan codsanayaa in dhinacyadii muranku saameeyey is cafiyaan

Mareeg.com: Ra’iisul Wasaarahii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee baarlamaanku kalsoonida kala noqday, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa soo jeediyey iney is cafiyaan dhinacyadii uu saameeyey muranka siyaasadeed ee lagu riday xukuunadii uu hogaaminayey.

“6-da Diseember 2014, Xildhibaanda Golaha Shacabka waxay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda aan hoggaminayo. Waxaan si kalsooni ku dheehan tahay u soo dhoweynayaa go’aankaas, anigoo si buuxda u aqbalay. Waxaan aad ugu faraxsanahay in goluhu go’aankaas meelmariyey, iyagoo xasiloon oo degan. Waxaan bogaadinayaa guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo si ku dheehan dadaal iyo karti ku daadihinayey kulankii shalay. Waxaan u mahadcelinayaa xildhibaannada oggolaaday iyo sidoo kale kuwii diiday kalsooni kala noqoshada Xukuumadda. Labada dhinacba waxay si sharaf leh u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah” ayuu yiri RW Cabdiweli.

“Waxaad ogtihiin in mooshinka kalsooni kala noqoshada uu keenay muran ka dhashay sharci ahaantiisa iyo kala qaybsanaan siyaasdeed, saamayn ballaarana ku yeeshay hawl socodka xukuumadda iyo baarlamaanka. Waxaan si gaar ah u amaanayaa xubnihii baarlamaanka ee muujiyey bisayl una tanaasulay danta dadka iyo badbaadinta Qaranka kuwaasoo aqbalay in la guda galo doodada mooshinka. Waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyadii uu saameeyey muranka inay wanaag iyo is cafin ku beddelaan khilaafka, wadajirna u wajahaan dardargelinta hawsha qaranka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wada shaqayntii dhex martay mudadii sanadka ahayd.

“Waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo aan shaqo baaxad leh wada qabanay muddo sannad ah oo aan xilka hayey. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa saaxiibaday, xubnaha Golaha Wasiirada oo aanu ka wada shaqaynay waxqabad la wada qirsan yahay ee xukuumaddu ku talaabsatay mudadii ay jirtay. Waxqabadkaas waa mid wadareed oo aynu dhammaanteen wada leenahay”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay inuusan marnaba iloobi doonin taageeradii hagar la’aaneed ee shacabka Soomaaliyeed oo ku nool dalka gudhiisa iyo dibadiisa ay u muujiyeen mudadii sanadka ahayd iyo Beesha caalamka oo mar walba garab taagnayd xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan midnimada, kana foogaadaan wax kastoo waxyeeli kara wadajirkooda iyo walaaltinimadooda. “Dalkeenu wuxuu u baahan yahay xasilooni, waxaana lagu gaari karaa marka lagu dhaqmo sharciga. Dadkeenu wuxuu u baahan yahay horumar waxaana lagu gaari karaa isku tashi, amni iyo caddalad.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida kala noqday RW Cabdiweli kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!