RW Cabdiweli oo nabad ugu baaqay Puntland & Galmudug

Read Time:1 Minute, 11 Second

Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug inay wadahadal ku dhammeeyaan khilaafka duullimaadyada diyaaradaha ee Garoomada Gaalkacayo, isla-markaana laga fogaado wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo wada noolaanshaha dadka degaanka.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in guddi wasiirro ah uu u xilsaaray inay ka hawlgalaan khilaafka Gaalkacyo, waxana guddigaasi uu xiriir la samaynayaa madaxda labada dhinac si loo debciyo xiisadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xiriir la sameeyey madaxda Puntland iyo Galmudug oo ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha khilaafka, isagoo ku dhiirrigeliyey in si nabad ah loo soo afjaro muranka ka dhashay xayiraadda duulimaadyada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo soo dhoweeyey ifafaalaha isfahanka ee labada dhinac ee ku aaddan joojinta xiisadda iyo aqbalidda wadahadal lagu soo afjarao khilaafka ayaa soo saaray baaq ka kooban shan qodob:

  1. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara xiisad colaadeed;

  2. In shuruud la’aan la fasaxo dhammaan adeegyada duulimaadyada ee degaankaasi;

  3. In dhakhso la bilaabo wadahadal lagu dhammaynayo khilaafka garoomada;

  4. Xukuumadda Federaalka waxay ballanqaadaysaa inay fududeyso qabsoomidda wadahadalka iyo dhamaystirka khilaafka labada dhinac;

  5. Xukuumaddu waxay u dirtay labada maamul guddi khuburo ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duullimaadyada.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa xiisad ka dhex aloosantay kadib markii Puntland xayiraad saartay garoon diyaaradeed oo maamulka Galmudug ka dhistay koonfurta Gaalkacyo.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.