Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaiya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka hadlay soo jeedin uga timid 14 ka mid ah xubnaha Golihiisa wasiirada, kuwaasoo kula taliyey inuu xilka iska casilo.
R/wasaaraha ayaa ugu baaqay wasiirada iney shaqadooda u gutaan si waafaqsan sharciga, taasoo muujineysa inuusan aqbalin baaqii ay u jeediyeen.
WAR-SAXAAFADEED
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wasiir ka tirsan xukuumadda oo sheegay in 14 wasiir ay Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyeen warqad ay kaga dalbanayaan inuu is casilo, waxaana xafiisku sheegay in warqadaas aysan soo gaarin.
• In xubnaha Golaha Wasiirada oo ah awoodda fulinta dalka ay howlahooda shaqo u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada dalka, isla markaana aanay qeyb ka noqon khilaafka iyo dhibaatada la doonayo in lagu naafeeyo dadaalka xukuumadda iyo qorshaha hiigsiga cusub ee 2016.
• Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya wuxuu si cad u xaqiijinayaa inuu u taagan yahay maslaxada dalka iyo horumarinta danta guud ee Qaranka, isla markaana uusan aqbali doonin wax alla wixii ka horjeeda Dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla ee la doonayo in lagu kala daadiyo dowladnimada Soomaaliya iyo mustaqbalka u soo ifaya dadka iyo dalka.
• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu dhammaan xubnaha Golaha wasiirada ku adkeynayaa inay sii xoojiyaan shaqada ay u hayaan ummadda, kana digtoonaadaan inay noqdaan gacmhii loo adeegsan lahaa burburinta sharciga iyo dowladnimada; wuxuuna diyaar u yahay inuu aqbalo wasiirkii doonaya inuu is casilo ee garowsada inuu gudan waayay xilkii uu qaranka u hayey.
• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu soo dhoweynayaa dadaalka ay wadaan beesha caalamka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii wadaan taageerada ay u hayaan qaranimada iyo in sharcigu sarreeyo.
Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar labaad ku adkeeyey xubnaha golaha wasiirada in howl maal meedka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed si habsami ah u gutaan si dalka loo gaarsiiyo himilada 2016.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.