RW Cabdiweli oo isku shaandheyn kooban ku sameeyey Golaha Wasiirada

Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah golaha wasiirada, iyadoo isku shaandheyntaasi saameysay wasiirkada garsoorka faarax Sheekh C/qaadir oo laga qaaday xilkaas loona dhiibay boos kale.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa warbaahinta dowladda ka akhriyay wareegto ka soo baxday xafiiska R/wasaaraha oo lagu kala bedelay qaar ka mid ah xubnaha xukuumadda waxaana isku shaandheyntaasi ay tahay sidan hoos ku qoran:-

1-Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka, Saalim Caliyoow Ibroow

2-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Faarax Sheekh C/qaadir

3-Wasiirudowlaha Wasaaradda Maalliyadda, Burci Maxamed Xamsa

4-Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga, C/laahi Maxamed Nuur

5-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga, C/raxmaan Cabdi Cismaan

6-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda, C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow

7-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mahad Maxamed Salaad

8-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Fahmo Axmed Nuur.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245