RW Cabdiweli oo aqbalay kalsooni kala laabashadii baarlamaanku ku sameeyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Cabdiweli oo aqbalay kalsooni kala laabashadii baarlamaanku ku sameeyey

War-saxaafadeed

Mogadishu, 06 December 2014— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya  Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay maanta kalsoonida ugala laabteen Xukuumadda uu Hoggaamiyo.

“Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu aqbalay go’aankii golaha Baarlamaanka F. Soomaaliya uu kalsoonida ugala noqday Xukuumadda, wuxuuna R.W faah faahin dheeraad ah bixin doonaa maalinta berri ah” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwan Xaaji Cabdiweli.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda taageeradii buuxday iyo kalsoonidii ay siiyeen xukuumadiisa mudadii ay shaqeyneysay.

—-DHAMMAAD—-

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!