RW Cabdiweli: Higsiga Cusub waa in loo daadejiyo gobollada dalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Cabdiweli: Higsiga Cusub waa in loo daadejiyo gobollada dalka

Waxaa shalay galab Muqdisho lagu soo gebagebeeyey shirka Higsiga Cusub (New Deal) oo muddo 3 maalmood ah ka scday Mqudisho.

Shirka oo u socday qaab aqoon is weydaarsi ah ayaa waxaa looha hadlayeym sidii is faham iyo aragti midaysan laga qaato barnaamijka Heshiiska Cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa soo xiray aqoon-isweydaarsi saddexd maalmood ahaa oo magaalada Muqdisho loogu qabtay saamileyda barnaamijka Heshiiska Cusub ee heer gobol ilaa heer qaran.

Aqoon-isweydaarsigani ayaa waxaa ka soo qaybgalay 180 qof oo ka socday Maamul Goboleedyada, Maamulada Gobolada, xubno ka socday bulshadas rayidka ah iyo ka-qaybgalayaal ka socday Wasaaradaha iyo Xafiisyada Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedooyinka ugu muhiimsan ee aqoon-isweydaarsigani ayaa ahaa in faham iyo aragti midaysan laga qaato barnaamijka Heshiiska Cusub, isla-markaana wadatashi lala yeesho dhammaan qaybaha waddanka oo dhan, waxana dadkii ka qaybgalay ay ka doodeen qaabkii loo hirgelin lahaa barnaamijkani oo la doonayo in uu noqdo mid la isla wada oggolyahay, loona dhan yahay.

Ka-qaybgalayaasha ayaa isla oggolaaday in loo baahan yahay in barnaamijkan loo dhaadhiciyo gobolada iyo degmooyinka dalka, iyagoo ku baaqay in Dawladda Federaalka ee Soomalaiya isku xidho qorshayaasha qaranka iyo kuwa maamulada gobolada. Waxaa kale oo la soo jeediyey in dadka Soomaaliyeed la gaarsiiyo muhiimadda uu xanbaarsan yahay Heshiishka Cusub iyo in Dawladda Soomaaliya ay arrinta isu-duwidda deeqaha kala shaqayso Maamul Goboleedyada jira iyo Maamulada Gobolada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xiritaankii shirkaasi ka hadlay, waxana uu sheegay in kulankan uu muujinayo in barnaamijkan uu yahay mid ay dadku wada leeyihiin, loona baahan in loo hawlgalo sidii loo hirgelin lahaa, iyadoo la abuurayo halbeegyo hufnaan iyo isla-xisaabtan ku dhisan.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo kulanka maanta ka hadlayey waxa uu yiri:

“Fadhigan waxa uu muujinayaa laba arrimood oo kala ah in dawladnimadeenii iyo midnimadeenii aan soo celin karno haddii aan sidaasi isugu immaano, iyo in dawladnimadeenu tii hore ka duwanaato, taas oo aan ula jeedo iney noqoto mid hoos laga soo dhiso ee ana kor laga keenin sida idinka muuqata.

“Barnaamijka Heshiiska Cusub waxaa naga go’an inaan u daadejino gobolada, sidoo kale maamulada waxaa laga doonayaa laftigoodu iney degmooyinka iyo gobolada kale gaarsiiyaan si uu u noqdo mid macluumaad waafiya laga haysto oo hufan”.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!