RW Cabdi Weli oo Sacuudiga ka codsaday inuusan dhaawicin ganacsiga xoolaha Soomaaliya

Mareeg.com: Raysulwasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay dowladda Sacuudi Carabiya ineysan dhaawicin ganacsiga xoolaha Soomaaliya.

R/wasaare C/weli Sheekh oo maanta ka hadlay xariga ka jaridda xarrunat wasaaradda gacansiga Soomaaliya oo dib u dhis lagu sameeyey ayaa sheegay inaan la xaqiijin warar kazoo yeeray Sacuudiga, kuwaasoo sheegayay in geela Soomaaliya cudurro qabo.

“Maalmahaan waxaa soo baxayey warar kazoo baxay dhanka Sacuudiga, kaasoo ahaa xoolaha Soomaaliya qabaan cudurro, warkaas maaha wax weli la xaqiijiyey” ayuu yiri R/wasaare C/weli.

“Walaalaheen Sacuudiga ee Muslimka ah waxaan ka codsanayaa ineysan dhaawicin ganacsiga xoolaha Soomaaliya” ayuu sidoo kale yiri R/wasaare C/weli.

Dhawaanahan waxaa dib u furmay dhoofka xoolah Soomaaliya ee loo qaadayey dalalka Khaliijka oo Sacuudigu ka mid yahay, hase ahaatee waxaa maalmo ka hor Sacuudiga kazoo yeeray war aan faax gelin Soomaalida oo sheegayey in xoolaha laga qaaday Soolaaiya qaarkood qabaan cudurro.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245