
Waxaa Caawa Kooxo ku hubeysan Bistoolado ay salaadii Maqrib kadib qof shacab ahaa ku dileen degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho
Goobjooge ayaa u sheegay Mareeg Online in marxuumka lagu magacaabi jiray Xasan Sulub kana mid ahaa dadka dalaaleyda loo yaqaano ee ku sugan Degmada Dharkeenleey.
Weli ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilkiisa.
Balse, Dableydii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday ‘ iyadoona goobta ay gaareen ciidamada amaanka oo halkaas baaritaano ka sameeyay.
Majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Amaanka iyo kuwa Maamulka Degmada Dharkeenleey oo ku aadan Dilkaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo kordhay dilalka qorsheysan iyadoo xusid mudan in ilaa 5 Ruux in lagu dilay Caasimada Soomaaliya, tan iyo markii uu bilaabatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.