Rowda Habeen iyo Maalin Waa Shaqeysaa!! — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Rowda Habeen iyo Maalin Waa Shaqeysaa!!

Si aan u wareysto ayaan waxaa n u direy Teleefoon, waxayna igu tiri “ ii Imow Xiligaan” Dib baan Maskaxdeyda uga shaqeeyey, waxaana Go’aansadey in aan  ugu Tago meel aan ku ogaa maadama habeen tahay  , markiiba  Bajaaj baan Daf iri , markii aan Gaarey Goobtii ayaan Taleefon u direy waxaana ku iri “waan kula Joogaa” markaas bay I tiri “ oo ku aawey kuuma jeedee “

Waxaan ku iri “ Goob Heblaayo ayaa joogaa “ inta  yaabtey bay I tiri “ Khayr Alaha ku siiyee waxaana Joogaa Xafiiska Shaqada ee Gaari ma kuu soo diraa”   waxaan  Qalbigeyga Rumeysan waayey Xafiis Dowlo oo Xiligaan oo habeen ah laga shaqeynayo “waxaanse la sii yaabey Qofka Xiligaas Shaqeynaya waa Qof Dumar ah.

Yaan war idiin ku daalinee waxaan mar  kale qaatey Mooto Bajaaj, waxaana gaarey Xafiiskii , waaba meel Shaqo ka socoto, Dhinac Siminaar baa ka socda, , Dhinac Barnaamij Wacyigelin , Dhinacna kubada Baa la Cayaarayaa,  markiiba  waaan u galey  soo dhaweyn Mar Xabeyn ka dib Qofka aan doonayey in naan wareysto waa Gudoomiyaha Degmada Waaberi Rowda Cabdulaahi Colaad.

Waxaan weydiiyey maxaa kuu qabsoomey 7 Bilood ee aad Xafiiska Degmada Waaberi aad Joogtey , waxaan ku jawaabtey Gudoomiye Rowda “Intii aan Xafiiska aan  Joogey wax badan baan noo qabsoomey waxa ugu Muhiimsanaa waxqabadkeena  Daadajinta Maamulka min Waax ilaa Tabeele , waaa kaloo ugu Muhiimsanaa wax qabadkeena, dheeragelinta haweenka Degmada iyo Shaqo u abuurista Dhalinyarada.

Roda waa ay sii hadashey ‘Waxaan sameyney Isgaarsiinta gargaarka deg dega ah oo labaatan Afar Saac Shaqeeya , dardargelinta Nadaafada iyo Caafimaad Degmada , waxaa si dheer la Dagaalanka Cadaaladarada iyo Musuqmaasuqa, waxaa kaloo ka mid ah Waxqabadkeena Garab istaaga iyo Dhiiragelinta  cayaartoyda Degmada waa Waberi oo aad ogtahay intii aan joogey ay ku guuleysteen Koobkii  Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha waxaa intaas sii raacisey “Degmada waxay ka qayb qaadatey Gurmadkii Musiibadii 14- Kii Oktoobar , waxa kaloo ka mid ah Waxqabadkeena  xoojinta Amaanka Degmada  oo aad noo Caawiyeen Bulshada Degmada , sidoo kale waxaa kaloo ka md ah Abuurista Madasha wax Akhriska oo dad badan ay ka Faaiideen.

Waxay ku soo gabagabeysey Gudoomiye Rowda halku dhiga degmada oo ah  “Waaberi wanaagsanaa, Walaalaheeda waa is Wataan”  waxayna ii sheegtey in Shaqada soo gasho Subaxii Hal saac ilaa ilaa Shan Saac habeenkii , sidaa darteed Rowda waxay Shaqeysaa marka la isku daro Saacadaha Shaqada 16 saac iyadoo weliba haween ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!