
Read Time:27 Second
June 5, 2018-Muqdisho–Sheikh Mukhtaar Roobow Cali oo lagu naaneeso “Abuu Mansuur” ayaa u ambabaxay boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Abuu Mansuur oo horay u soo noqday afhayeenkii kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa bilihii danbe ee sanadkii 2017 kasoo goostay Al-Shabaab, isagoo isku soo dhiibay dowladda federaalka.
Safarka Abuu Mansuur ee Sacuudiga ayaa la sheegay inuu la xiriiro gudashada acmaasha Cumrada.
Dowladda federaalka iyo Abuu Mansuur ayaa wadahadalo mudo socday kusoo afjarmay heshiis aan la shaacin, waxayna taasi keentay in dowladda Mareykanka ay xayiraada ka qaado kana saarto liiska xubnaha argagixisada.