Roobow oo Hiilo lama filaan ah helay iyo go’aankii Dowlada Federalka oo laga hor-yimid

Read Time:52 Second

Muqdisho (Mareeg News ) – Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aanka dowladda Soomaaliya ay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur kaga joojisay tartanka doorashada madaxweynaha maamulka koofur galbeed.

 

Xildhibaanada oo badankood kasoo jeeda Koonfur Galbeed, qaarkoodna maanta la kulmay Roobow, ayaa ku baaqay in aan la caburin shacabka maamulka Koonfur Galbeed ee ku faraxsan in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu noqdo hoggaamiyaha koonfur galbeed soomaliya.

 

Dowladda Soomaaliya ayay ka codsadeen iney ka laabato go’aanka sidoo kalena aysan caburin musharaxiinta ka qeyb galaya  tartanka doorashada madaxweynaha maamulka koofur galbeed.

 

Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa aas aasayaasha Al-Shabaab, waxaa uu soo noqday Afhayeenka iyo hogaamiye ku xigeenka Al-Shabaab. Isaga oo markii dambe isaga baxay Al-Shabaab kuna soo biiray dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Dowladda Mareykanka ayaa ka qaaday lacagtii la dul-dhigay madaxiisa ee gaareysay 5-milyan, hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysa in weli aan laga qaadin Mr Roobow xayiraadi saarneyd ee Caalamiga aheyd, sida tii Booliska Caalamka, dhaqaalaha iyo safarkiisa.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %