Roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho oo saameyn ku yeeshay howlihii garoonka diyaaradaha Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho oo saameyn ku yeeshay howlihii garoonka diyaaradaha Muqdisho

Mareeg.com- Roobabkii xoogana ee xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa meelihii uu saameynta ballaaran uu ku yeeshay waxaa ka mid ah Howlaha caadiga ee Garoonka diyaaradaha Aadan cadde Air Port, halkaasoo dhowaan la filayo in dib u dayactir iyo ballaarin lagu sameeyo dhismaha Garoonka.Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in roobabkii xalay uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa garoonka, isagoo xusay in xafiisyadii garoonka ay biyo ka buuxsameen.Mr Gaafow ayaa sheegay in wadooyin lagu xirmay dhagxaan sababo amni gudahood iyo meelihii biyaha roob ee ka yimaada magaalada oo xirnaa ay isugu darsameen in garoonka iyo xafiisyadii adeegyada ka socday in biyo soo galaan.“Roobkii xalay da’ay wuxuu ahaa roob weyn, biyo fara badan ayuu magaalada ka keenay, biyaha meeshii ay marayeen oo ay xirmeen ayaa keetay in biyo ku soo rogmadaan dhismaha garoonka, biyo caadi ma ahan, biyo gaaray in miisaska ay ka kormaan”ayuu yiri Jen, Gaafow.Sidoo kale waxaa uu sheegay in baasabooro dibada iyo gobolada loo dirayay ay biyaha soo galay xafiisyada ay qooyeen, sidoo kale documentiyo iyo agabyo kale, waxaana uu xusay in qaar ka mid ah Computer-rada iyo kaamiiroyinka ay biyo ka buuxsameen, qeybtii bixitaanka garoonka iyo meelo kale ayay biyaha soo galeen.Dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Saciid Jaamac Qorsheel ayaa sheegay in garoonka ay ku sameyn doonaan dib u dayactir ballaaran oo heer casri ah, waxaana uu xusay in hadii aan tani wax laga qaban ay keeni karto dhibaato weyn.“Qasaare fara badan ayaa ku dhacay xafiisyadii garoon, qalabkii dhaawac baa gaaray, hada waxaa ku jirnaa sidii howsha loo fududeyn lahaa, hadii roob kale uu yimaad dhibka waa sii taagnaanayaa, halkan waxaa qasaare badan ka dhashay documentiyo badan oo qoyay, baasabooro xafiiska keydka yaalay iyo kuwa kale, deg deg ayaa wixii la qaban karo ku qabaneynaa”ayuu yiri Siciid Jaamac Qorsheel.Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maamulkeeda la wareegay shirkada Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga, iyadoo shirkadan dhowaan bilaabeysa dib u dhis iyo hab casri ah oo loo dhisayo garoonka.Roobabkii xalay ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay guryo ay degenaayeen dad barakacayaal oo ku yaala degmooyinka Hodan iyo Wadajir, iyadoo labo caruur ah ay ku dhinteen darbi ku soo dumay, sidoo kale roobabka waxay biyo dhigeen wadooyin badan

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!