Roobabkii guga oo ka curtay degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud
Roobabkii guga ayaa ka curtay Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Dalka Soomaaliya.
Degaanada Roobabku ka curteen ayaa sida la sheegay waxaa ka mid ah Qalaanqal, Barbarcad, Guudoole iyo Qurdhubaale iyo Soonaha u dhaxeeya Galxagare.
Roobabka oo ahaa kuwa Mahiigaan ah ayaa da’ay galabta, waxaana siweyn ugu diirasadey Dadka iyo duunyada Degaanadaas Ku nool,
Maalmihii dambe deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa laga soo sheegayay biyo la’aan baahsan iyo abaar saameysay dadka xoola dhaqatada ah.
Comments are closed.