Roob lagu qabowsaday oo xalay ka da’ay Muqdisho

Read Time:44 Second

Mareeg.com: Roob lagu qabowsaday ayaa xalay ilaa saaka ka da’ay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, wuxuuna saameyn ku yeeshay waddooyinka xaafadaha iyo laamiyada qaarkood.

Roobkaan ayaa biyo dhigay qeybo ka mid ah waddooyinka, wuxuuna socday dhowr saacadood isagoo soo gaaray waaberigii saakay.

Roobka ayaa qaboojiyey magaalada oo maalmihii lasoo dhaafay kuleyl badan ka jira, iyadoo roobkii gu’a ee lasoo dhaafay uu ku yaraa Muqdisho iyo hareeraheeda.

Xalay xilligii dambe waxaa hurdada ka toosay dad badan oo ka mid ah dadka magaakada kuwaasoo ka cabsi qabay iney biyo ugu soo galaan guryahooda.

Dadka barakacayaasha ah ee aan heysan gabbaadka ayuu aad u saameeyay roobku inkastoo aan wali la sheegin khasaare uu geystay.

Subaxnimadii hore ee saakay waxaa yaraa dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka roobka awgii, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo waxbarashada, hase ahaatee saacadaha dambe ayaa dhaqdhaqaaqyada kala duwan bilowdeen.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.