Roob ka socda deegaanada Puntland & Digniin la soo saarey
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa waxaa looga digay Dadka inaysan ku safrin Togaga iskana ilaaliyaan dhulka Biyo Mareenka ah.
Roob ayaa hadda ka da’aya
Deegaanada Dhanka Xeebta Bayla Kulule Dharinbaar – Eyl- Garacad. Dhanka Oogadana, dhuudo, ilaa Jalam,sida at sheegeen dadka deegaanadaas.
”Saacadaan roobka ugu badan ayaa da’aya waxa uuna wataa qabow iyo dabaylo aad xoogan. Inkastoo dhamaan deegaanada puntland roob hayo sacadaan hadana cabsi ayaan dareemeynaa ayuu yiri”qof ku sugan Garacad.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa horay u sheegtay inay u diyaar garowday wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha roobka ka da’a deegaannada Maamulkaas.
Comments are closed.