Reer Galkacyo oo nabad ku wada noolaasho ku heshiiyay fa

Read Time:48 Second

Waxgarad iyo Ganacsato ka soo kala Jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo,ayaa soo saaray qodobo dhowr ah, oo lagu soo afjarayo dagaalkii ka dhacay magaaladaasi.

 

Kadib Kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo Odayaasha iyo waxgaradka ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayey isla gaareen qodobo dhowr ah oo ku aadan xabad Joojin.

 

Qodobada Odayaasha labada dhinac ay isla gaareen ayaa waxaa ka mid ah:-

 

1-in Xabadda la joojiyo.

 

2-in la kala qaado Ciidamada is hor fadhiya ee kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

 

3-in laga wada hadlo mashaqadii sababta u ahayd dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo .

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug dagaalkaas oo dhaliyay Khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

 

Labada dhinac dirirtooda ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Puntland ay dhismo waddo ka bilowday nawaaxiga deegaanada Maamulka Galmudug.

 

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %