Raysul Wasasare C/weli oo damaashaad u tegay xeebta Liido (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raysul Wasasare C/weli oo damaashaad u tegay xeebta Liido (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed iyo xubno kamid ah golaha Wasiirada, Taliyaasha Ciidamadda kala duwan ee Soomaaliya, Masuuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir,  ayaa shalay galab u damaashaad tagey Xeebta Liido oo maalinta Jimcaha iskugu yimaadaan dadwayne aad u farabadan oo iskaga kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa  waxaa kusoo dhaweeyay xeebta Liidon dhalinyaro aad u farabadan kuwaasoo markii uu gudaha u soo galay xeebta kor-uqaaday Ra’iisul Wasaaraha ayagoo ku dhawaaqayey erayo ay kusoo dhawaynayaan Ra’iisul Wasaaraha.

Damaashaadka kaddib Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula qaxweeyay dhalinyaradii ku dabaalanaysay Xeebta Maqaayadda Beach Veiw, “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta la damaashaado dhalinyaro Soomaaliyeed, marka hore dhalinyaraan noqday oo maanta waxaan la damaashaadayaa dhalinyaro Soomaaliyeed, meeshaan aan maanta joogno ee Liido markii uu dhulku nabadda ahaa waxay kamid ahayd goobihii aan usoo nashasho tagi jiray, waxaa iskugu key darsamay, soo dhawayn aan kala kulmay dhalinyaradii ku dabaalanaysay Xeebta iyo anigoo la Qaxweeyay shacabkii fadhiyay Beach Veiw. Tani waa astaan rajo iyo xasilooni ka muuqata dalke” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galay  tartanka cayaaraha koobka Jeneraal Daa’uud oo iskugu soo hareen labada kooxood ee kala ah Jeenyo iyo Heegan waxaana ciyaar xiiso badan oo dhexmartay kaddib koobka qaaday Kooxda Jeenyo, waxaana halkaas Ra’iisul Wasaaruhu ku guddoon siiyey koobkii kooxda Jeenyo.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dr. Khaalid Cumar ayaa kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha. Waxaana dhinaca kale mahadcelin u jeediyay cid walba oo ka qayb qaadatay  horumarinta Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo gabagabadii hadal jeediyay ayaa ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay Isboortigu, isagoo ku dhiirgeliyey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha inay joogtayso kulamada noocaan oo kale ah, gobolada dalkana laga bilaabo tartan ciyaareed dhex mara kooxaha deegaanka.

“Cayaaraha oo soo noqda waxay ka dhigantahay noloshii Soomaaliya oo soo noqotay, cayaaruhu waxay astaan u yihiin nabada, waxaan aad ugu mahadcelinayaa Xiriirka kudbadda Cagta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Cayaaraha iyo Dhalinyarada. Kooxda maanta qaaday koobkaana waxaan leeyahay Hambalyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

—DHAMAAD— 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!