Raysul Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi Oo Ka Degay Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raysul Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi Oo Ka Degay Kismaayo

Kismaayo – Mareeg.com: Raysul wasaarihii ee Soomaaliya Cali Maxmed Geeddi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubada Hoose.

Wafdiga uu hogaaminayo Prof. Geeddi ayaa ka tegay dalka Kenya, waxeyna Kismaayo u tageen ka qeybgalka xafladda caleemo saarka hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe.

Wafdiga waxaa ku jira ganacsato, xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya iyo siyaasiyiin kale, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay madax ay kamid yihiin madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), wasiirro ka tirsan maamulka Jubba iyo masuuliyiin kale.

Berri oo ku began 20-ka bisha Janaayo 2014 ayaaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo lagu qabto xaflad lagu caleemno saarayo Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha maamulka KMG ah ee Juba, waxaana magaalada manta la saaray bandow.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.