Raysul Wasaarihii Hore Cabdi Weli Gaas Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Garowe (Sawirro)

Garowe, Mareeg.com: Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland 2014 prof. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaarey magaalada Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland, halkaasoo doorashada lagu qabanayo.

Dadwayne farabadan oo taageersan ayaa Cabdi Weli Gaas uga hor tagay duleedka koonfureed ee magalada Garowe halkaasoo oo ay ku muujiyeen dareenkooda ku aadan siday ugu hanwayn yihiin inuu Cabdiwali Gaas noqdo madaxwaynaha Puntland, sidoo kale gaadiid aad u faro badan iyo fardo ayaa lagu soo galbiyay murashaxa.

Dr. Gaas oo dadwaynaha kula hadlay bartamaha magaalada Garowe ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii loo heli lahaa is-badal, wuxuuna u mahad celiyay shacabka Puntland oo sida wayn magalada ugu soo dhaweeyay.

Ugu danbeyntii Musharax Gaas ayaa u mahad naqey maamulka Gobolka kan degmada qaybaha kala duwan ee bulshada, soo dhaweyntiina ay tahay mid dareenkiisa kicisey.

Musharax Cabdiwali Gaas ayaa lagu wadaa maalmahan soo socda inuu socdaal ku tago magaalooyinka Qardho iyo Bossaso.

Sabtidii lasoo dhaafay ayaa musharaxxa Cali Xaaaji Warsame wuxuu tagay magaalada Garowe, iyadoo halkaas ay maalmaha soo socda kusii jeedaan musharaxiin kale.

Dhanka kale, ilaalada Cabdi Weli Gaas ayaa manta loo diiday iney galaan magaalada Garowe, iyagoo watay dhowr gaari oo nuuca dagaalka ah.

Halka loo yaqaan Birta dheer ee ku dhaw Garoowe waxaa Musharaxa uga hortageymasuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir Wareebe iyo Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntland Cumar Cabdullaahi Faroole.

Masuuliyiintan ayaa u sheegey musharaxa in wax tikniko ah aan caasimadda loo oggoleyn oo ay ka caagan tahay, dood dheer ayaa dhex-martey, waxaana ciidamadii amniga raysalwasaarihii hore sugaayey ku doodeen in aysan amni wax u dhimeyn raysalwasaaraha soo wadeen tan iyo Gaalkacyo, Garowena ay maalmo joogi doonaan una kaxayn doonaan magaalooyin kale oo ka tirsan Puntland.

Wadahadal dheer kadib waxaa illada R/wasaarihii hore ee Gaas loo ogolaaday iney galaan magaalada Garowe, maadaama ay musharraxa usii galbin doonaan magaalooyin kale oo ku yaalla Puntland.

Mareeg.com