Raysul Wasaarha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Qatar

Mareeg.com: Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharamake ayaa maanta ka ambaxay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Qatar.

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa casumaad rasmi ah ka gelay dhigiisa dalka Qatar Sheekh Cabdalla Bin Naasir Bin Khaliifa Ala-Thani.

Safarka Ra’isul wasaaraha ayaa qaadanaya mudda maalmo ah, waxaana garoonka diyaaradda Aadan Cabdule Cusmaan ku sakootiyay Mas’uulayiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda iyo safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya.

R/wasaare Cumar C/rashiid ayaa kulamo uu la qaadan doona inta uu ku sugan yahay dalka Qatar mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaasi oo ay ka wada hadli doonan xariirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Wararka ayaa sheegaya in labada dal aya ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira wabarashadda iyo duulimaadka, sida in diyaaradda Qatar Airways ka shaqo bilowdo Soomaaliya.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245