Raysul Wasaare Cabdiweli: Waa dabageli doonaa kooxdii odayaasha ku laayey Buur-hakaba * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raysul Wasaare Cabdiweli: Waa dabageli doonaa kooxdii odayaasha ku laayey Buur-hakaba

Muqdisho – Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyey falkii foosha xumaa ee shalay lagu laayay odayaasha dhaqanka kuwaasoo lagu dilay nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay iyaga oo ku sii jeeday guryahoodii.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkani uu yahay mid aan sal iyo raad ku laheyn Diinta islaamka, dhaqanka Suuban iyo Bani’aadanimada, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen odayaashan.
“Waa fal aad u naxdin badan, waxaana geystay kooxo manaxayaal ah oo aan laheyn damiir islaanimo iyo mid Soomaali-nimo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo carabka ku adkeeyey in la dabageli doono dhagarqabayaashii falkan geystay, lana hor keeni doono Cadaaladda.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hogaamiyeyaasha dhaqanku waxay hormuud u yihiin nabadda iyo dib u heshiisiinta dalka, waana halbowlaha bulshada Soomaaliyeed, waxaana ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan dhagar qabayaasha dhiigooda baneystay”.
Shalay ayaa koox hubeysan oo aan la raraneyn waxey meel ku dhow degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ku dileen ilaa 8 oday oo kazoo jeeday gobolka Shabeellaha Hoose.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!