Raysul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo saaka ku wajahan Kismaayo
Muqdisho – Mareeg.com: Raysulwasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubada Hoose, waxaana halkaas ka socda qabanqaabada lagu soo dhaweynayo.
Waxaa maanta Kismaayo la fasaxay dugsiyada waxbarashada, waxaana la hakiyey socodka gaadiidka iyo ganacsiga, iyadoo ay soconayaan gaadiidka ka shaqeynaya soo dhaweynta Raysulwasaare C/weli Sheekh iyo wafdigiisa.
Dadweyne farabadan ayaa ku sugan fagaaraha beerta xorriyadda, kuwaasoo ka qeybqaadanaya soo dhaweynta, waxaana aad loo adkeeyey amaanka Kismaayo.
Booqashada Raysul wasaarha ee Kismaayo ayaa kusoo beegmeysa xilli maanta dalka laga xusayo maalinta ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo ku asteysan 12-ka April.
Raysulwasaareg C/weli Sheek ayaa khamsiitii lasoo dhaafay booqasho ku tegay magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Buulobarde oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Mareeg Media
Comments are closed.