Raysul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo maanta gaaray magaalada Marko

Read Time:37 Second

Marko – Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyo xubno ka tirsan wasiirada iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray magaalada Marko ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose.

Wafdiga Raysulwasaaraha ayaa diyaarad Helicopter ah ku tagay magaalada Marko, iyadoo aan horay loo sii shaacin safarka Ra’iisul Wasaarahu ku tegay halkaas.

Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii”, guddoomiyaha degmada Marko iyo wasiir kuxigeenka gaashaandhiga iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo halkaas horay ugu sugnaa.

Waxaa si weyn loo adkeeyey magaalada Marko, waxaana wadooyinka dhan taagan ciidamo isugu jira kuwa milateriga iyo ciidanka Amisom oo ammaanka sugaya.

Raysulwasaaraha ayaa la geeyey xarrunta loogu talagalay, waxaana la filayaa inuu halkaas kualn kula yeesho mas’uuliyiinta iyo waxgaradka gobolka Shabeellaha Hoose.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.