Raysul Wasaare Cabdiweli Sheekh iyo wafdigiisa oo kusii jeeda dalka Kenya
Jabuuti – Mareeg.com: Raysul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa soo gabagabeeyay booqasho uu ku joogay Jamhuuriyadda Jabuuti iyadoo lagu wado inuu goor dhow u ambabaxo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Raysul wasaare C/weli iyo wafdigiisa oo booqasho laba maalmood ah ku joogay dalka Jabuuti, iyagoo markaas ka horna 3 maalmood ku sugnaa dalka Itoobiya.
Raysul wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehlinayaan 5 ka mid ah golaha wasiirada ayaa ku guda jira qeybtii ugu dambeysay booqasho ay ku kala bixinayaan dalalka dersika la ah Soomaaliya.
Mareeg.com
Comments are closed.