Raysul Wasaare Cabdilweli Sheekh oo ka laabtay Kismaayo

Read Time:46 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Raysulwasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed oo muddo todobaad ah ku sugnaa magalaada Kismaayo ee xarrunya gobolka Juabda Hoose ayaa maanta (19-4-2014) dib ugu soo laabatay magaalada Muqdishso.

Raysulwasaaraha ayaa mudadii uu ku sugnaa Kismaayo aad uga shaqeeyey sidii uu u dhameyn lahaa khilaafka ka jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, halkaasoo kala shaki badan ka dhex jiro beelaha gobolka.

Dadaalkii uu muddo todobaad ah Kismaayo ka weday Raysulwasaare C/weli ayaa waxaa dhabar jebiyey Col. Barre Hiiraale, kaasoo gebi ahaanba diiday inuu la hadlo maamulka Juba ee Axmed Madoobe, islamarkaana dowladda Soomaaliya aqoonsantahay.

Raysulwasaare Cabdiweli oo Kismaayo tegay 12-4-2014 ayaa la sheegay inuu isu soo dhaweeyey qaar ka mid ah qoloooyinkii khilaafku uga dhaxeeyey Kismaayo, inkastoo uu dedaalkaas ku gacan seyray ninkii ugu tunka weynaa kooxaha ka horjeeday Axmed Madoobe, kaasoo ah Col. Barre Hiiraale oo maleeshiyo hubeysan ku heysta meel debadda ka ah Kismaayo.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %