Raysul Wasaare Cabdi Weli Sheekh: Weerarkii Hotel Jazeera Wuxuu Xoojinayaa Dagaalka Ka Dhanka Ah Argagixisada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raysul Wasaare Cabdi Weli Sheekh: Weerarkii Hotel Jazeera Wuxuu Xoojinayaa Dagaalka Ka Dhanka Ah Argagixisada

Muqdisho, Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu qaaday hotelka Jaziira ee Muqdisho uu ahaa mid fulaynimo ah, liddina ku ah diinta Islaamka, siina xoojin doona xiriirka dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay ciidanka Booliska iyo kooxaha gurmadka dag daga ah sidii ay uga hortageen weerarkaasi, uguna gurmadeen shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi ay dhibaatadu ku qabsatay, Waxaana uu Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya tacsi tiiraanyo leh la qaybsaday eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen kuwii ay jeclaayeen, wuxuuna ilaahay uga baryay in uu caafimaad dag dag ah siiyo intii ku dhaawacantay falkaasi.

“Weerarada ay soo qaadayaan kooxaha xagjirka ah sida kii ay ku hungoobeen ee xalay lagu qaaday hotelka Jaziira waxay xoojinayaan go’aankeenna ku wajahan cirib-tirka argagaxisada”sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

“Dalku wuu soo hagaagayaa, dawladdu waa ay jiri doontaa, dadka Soomaaliyeedna way noolaan doonaan laakiin kuwa naf-lacaariga ah ee Argagixisada ku ah umadda soomaaliyeed iyagaa laga guulaysan doonaa, meel kasta oo ay joogaanna waan ku baacsan doonnnaa.” ayuu sidoo kale yiri Raysul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Alshabaab ay cadow ku tahay nolosha shacabka iyo horumarka dalka. “Soomaaliya waxaa ay horay ugu socotaa dawladnimo iyo horumar ay qayb ka yihiin shacabka Soomaaliyeed ee kasoo gudbay dhibaatooyin aad u badan oo dalka ku dhacayay waqti dheer, kuwa ku soo duulay dalka iyo dadkawaxay ka kasbanayaan shacabka cadawnimio.”

Dhanka kale, war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohmaed Salleh Annadif ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxyadii loo adeegsaday gawaarida oo xalay lagu qaaday Hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.

“Laba gaari ayaa ku qaraxday banaanka hore ee Hotelka Jasiira xilli ay halkaasi ku sugnaayeen ciidamada dowlada oo iyagu ku guuleystay iney fashiliyaan qaraxyadaasi, dowladuna waxa ay dadaal ugu jirtaan daryeelka dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadaasi’’ ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Danjire Annadif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka lagu qaaday Hotelka Jasiira, isagoo xusay in bishii September ee sanadkii 2012 hoteelkaasi lala beegsaday qaraxyo noocan oo kale ah, xilligaasi oo uu ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!