Raysul Wasaare Cabdi Weli Sheekh Oo Kormeeray Wasaaradda Gaashaandhiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raysul Wasaare Cabdi Weli Sheekh Oo Kormeeray Wasaaradda Gaashaandhiga

Muqdisho, Mareeg.com: Raysul wasaaraha dawlada Federaalka Soomaaliya Soomaliya Cabdi Weli Sheikh Axmed ayaa maanta kormeer hawleed ku tagey Xarunta wasaaradda gaashaandhiga ee Magaalada Muqdishu.

Raysul wasaare Cabdi Weli waxaa kormeerkiisa ku wehlinayey sii hayaha wasiirka gaashaandhiga C/xakiim Xaaji Fiqi iyo xubno kale.

Raysluwasaraha ayaa soo kormeeray dhamaan qaybaha kala duwan ee wasaaradda Gaashaandhiga, isagoo warbixino halkaasi kala dhageystey Masuliyiinta iyo taliyayaasha Qaybaha ee Wasaaradaasi.

Dr. Cabdi Weli Sheikh Axmed ayaa ugu horeyn waxa uu salaan sharaf ka qaatey Ciidanka Qalabka Sida, wuxuuna markaas kadib kulamo la qaatay masuliyiinta Wasaaradaasi, wuxuuna kala hadlay isbedel lagu sameyn doono dhamaan hawlaha wasaaradda lana dardar galin doono.

Raysulwasaarada waxaa kaloo uu sheegay in qorshaha sannadka cusub 2014 Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay heli doonaan xaquuqdooda oo dhameystiran, sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanku helli doonaan Tababaro joogto ah wadanka gudahiisa iyo dibadiisa ah.

Wuxuu Sheegay Dr. C/weli in la dhameystiri doono dhismaha wasaaradda gaashaandhiga oo inteeda badan la dayactiray, hase ahaatee weli qeybo badan ka dhiman yihiin.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!