Raysul Wasaare Cabdi Weli Sheekh Oo Kormeeray Dekedda Muqdisho Iyo Xerada Rajo

Read Time:2 Minute, 3 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa manta kormeeray xarrumo muhiim ah oo ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Raysul Wasaare Cabdi Weli wuxuu kormeerkiisa ka billaabay Iskuulka Macallin Jaamac oo uu si rasmi ah maanta xarigga uga jaray, waxaana kormeekiisa ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo Ra’iisul wasaaraha uu soo Indha Indheeyey qaar ka mid ah Fasallada ay wax ku bartaan Iskuulka Macalin Jaamac ee degmada X/weyne.

Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed, ayaa war-bixin ku aaddan marxaladda uu soo maray Iskuulka soo maray ka dhageystay Gud. Degmada X/weyne, Inkaasi kaddib ayuu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya sheegay in u jeedada kormeerkiisa ay tahay sidii loo dhiiragalin lahaa Barnaamijka Aada Dugsiyada, isagoo sheegay in Xukuumaddiisuna ay xoogga saari doonto Tayetnta Manhajka Waxbarasha dalka.

Dhanka kale, Raysul Wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa kormeray qeybo ka mid aha dekadda Muqdisho oo ay ka socdaan howlo badan, iyadoo eelaaha uu kormeeray ay ku jiraan Bakhaarada lagu keydiyo Rashiinka iyo badeecadaha ka soo dega Dakedda.

Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa Warbaahinta u sheegay Ra’iisul wasaaraha in ay ka go’antahay sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay Dakedda Ummadda Soomaaliyeed u heysto, isagoo xusay in ay ku dadaali doonto Xukuumaddiisa sidii looga faa’ideysan lahaa ahmiyadda ay dalka u leedahay Dakedda Muqdisho.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa booqasho ku tagay xerada barakacayaasha Rajo ee degmada Wadajir, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 400 oo qoys, iyadoo dowladda Turkigana ay caawimaad joogta ah u fidiso dadkaasi Soomaaliyeed mudada ka badan laba sannadood.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xog wareysi la yeeshay qaar ka mid ah dadka ku nool xerada Rajo, kaddib ayaa la hadlay waxa uuna aad ugu mahadceliyey dowladda Turkiga iyo hey’adooda gargaarka ee dadkan gacanta u fidiyey, waxa uu intaa ku daray in Xukuumadda ay ku dadaaleysi sidii dadka barakayaasha ah looga caawin lagaa dib ugu laabashada deegaannadii ay ka soo barakaceen.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha Jamruuriyadda Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed, ayaa hoyga uu Muqdisho ka degan yahay ku booqday Fanaanka Soomaaliyeed ee Cabdi Tahaliil Warsame oo Muddo xanuusanaya, si uu ugu kuurgalo xaaladda uu ku nool yahay, isagoo sheegay in xaaladdiisa wax lagala qaban doono ehelada Fanaanka.

Waa booqashii ugu horreysay ee tan iyo markii uu xilkiisa sida rasmiga ah ula wareegay Ra’iisul wasaare C/weli oo aan weli dhisin golahiisa wasiirrada.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %