Raysul Wasaare Cabdi Weli Oo Kulan La Qaatay Safiirka Britain Ee Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raysul Wasaare Cabdi Weli Oo Kulan La Qaatay Safiirka Britain Ee Soomaaliya

Muqdisho, Mareeg.com: Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah la kulmay safiirka Britian u qaabilsan Soomaaliya, Neil Wigan.

Sida lagu sheegay war qoraal oo ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya, raysul wasaare Sheekh Axmed iyo Neil Wigan ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taageerada Britain ay siiso Soomaaliya, howlaha waa-weyn ee hor yaalla xukuumadda cusub iyo sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah marka la gaaro 2016.

“Xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Britain waa mid taariikhi ah oo sal adag, waxaan dowladda Britain uga mahadcelinayaa taageeradeeda xooggan iyo shirarkii caalamiga ahaa ee ay u qabatay” ayuu yiri Raysul Wasaare C/weli.

Danjire Neil Wigan ayaa isna ugu hambalyeeyay raysul wasaaraha magacaabistiisa, wuxuuna la wadaagay farriin ka timid raysul wasaaraha Britain, David Cameron oo ahayd in Britain ay ka go’an tahay taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa tayeynta hay’addaha amniga, tayeynta hay’addaha dawladda sida wasaaraddaha iyo weliba gaarsiinta mashaariicda horumarineed ee dhamaamba gobolada dalka Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!