Raysul Wasaare Cabdi Weli oo gaaray Kenya

Nairobi – Mareeg.com: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Kenya, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli waxaa isaga iyo wafdigiisa garoonka ku sii sagootiyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa inta uu ku suganyahay dalka Kenya waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi, kuwaasi oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga la dagaalanka Al-Shabaab, adkeynta xiriirka labada dal iyo ka wada shaqeynta amniga gobolka.

Ra’iisul wasaaruhu waxa uu mas’uuliyiinta dalkaasi kala hadli doonaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Kenya sidii ay u heli lahaayeen xaquuqda qaxootinimo, islamarkaana aysan saameyn ku yeelan falalka Al-shabaab ay ka geysaneyso qeybo ka mid ah dalka Kenya.

Raysulwasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa maalin ka hor cambaaareeyey weerarkii Alshabaab ku qaadday gobolka Xeebta Kenya, ayna ku dhinteen ilaa 63 ruux.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245