Raysul Wasaare Cabdi Weli oo Addis Ababa uga qeybgelaya shir madaxeedka IGAD * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raysul Wasaare Cabdi Weli oo Addis Ababa uga qeybgelaya shir madaxeedka IGAD

Muqdisho – Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi-wali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Raysul wasaaraha ayaa dalka Itoobiya uga qeybgelaya shirka 25-aad ee madaxda Urur goboleedka IGAD, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ugu maqanyahay dalka Japan

Warar ka imaaanaya Addis Ababa ayaa sheegaya in ajandayaasha shirka IGAD uu qeyb weyn ka yahay howlgalka milateri ee ka dhanka ah Alshabaab ee ka bilowday Soomaaliya, kaasoo ay ku lugleeyihiin dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Shirka IGAD ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya uu ka socdo howlgal milateri oo la leeyahay waxaa Alshabaab looga saaraya magaalooyinka ay maamulaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Waa booqashadii labaad ee Raysul wasaare C/weli Sheekh Axmed ku tago dalka Itoobiya tan iyo markii xilkaas loo magacaaby bishii December ee sanadkii 2013.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!