Raysul Wasaare Cabdi Weli: Amisom waxey baxeysaa marka la dhiso milateriga Soomaaliya

Read Time:1 Minute, 3 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in ciidamada AMOSM ee ka socda Midowga Afrika ay Soomaaliya ka bixi doonaan marka la dhiso milateriga dalka.

R/wasaare C/wali ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku guda jirto dhismaha ciidamada, sidoo kalana laba todobaad ka horna IGAD isla qaadatay qaraar dib loogu dhisayo cidamada Soomaaliya.

“Qorshaheennu waa inaan dhisno ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, laba todobaad ka horna waxaa qaraar dib loogu dhisayo cidamada Soomaaliya qaatay ururka IGAD, markaan awood u yeelanno sugidda ammaanka dalkeenna way iska baxayaan gabi ahaan ciidamada walaalaha AMISOM,” ayuu yiri C/weli Sheekh oo u warramaya Al-jazeera TV.

Raysul wasaare C/weli Sheekh ayaa dhanka kale ka halday sida ay u socdaan howlgallada ciidan ee ka dhanka ah Alshabaab ee ay wadaan ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM.

“Howlgallada ciidamada Soomaaliya iyo Amiosm ee socda waa kuwo muhiim ah, waxeyna u socdaan qaab aan ku faraxsannahay, waxayna la wareegeen sagaal degmo oo ku yaalla gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo ay Alshabaab u adeegsan jireen inay dhallinyarada ka qortaan lacagana ka urursadaan dadka,” ayuu sidoo kale yiri ra’iisul wasaaraha Soomaliya.

Dalka Soomaaliya waxaa ku sugan in ka badan 20 kun askari oo kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Seria Leone.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %