Raysul Wasaaraha Cusub Oo Cambaareeyey Dilka Dhaqaatiirta Syrianka Iyo Soomaalida Ah
Muqdisho, Mareeg.com: Raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lagu dilay saddex dhaqaatiir oo Syrian ah iyo saddex qof oo Soomaali ah, kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Siinka Dheer.
Dhaqaatiirta la dilay ayaa ka howlgali jiray xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee degmada Afgooye, dhowr bilood ayayna ku sugnaayeen Soomaaliya.
Raysul wasaaraha la magacaabay ayaa ku tilmaamay weerarka mid arxan darro ah oo ka baxsan bini’aadannimada, laguna khalkhal gelinayo ammaanka.
“Waa fal laga argagaxo oo aan meelna raad kaga lahayn Islaamnimada iyo bini’aadannimada”, ayuu war qoraal ah ku yiri Cabdiweli Sheekh.
R/wasaare Cabdiweli ayaa dhinaca kale ka tacsiyeeyay geeridii Habeenkii Arbacada ku timid xildhibaan Xasan Muxumad Cali oo xannuun dartiis ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.
Mareeg.com
Comments are closed.