Muqdisho, Mareeg.com: Raysul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa dalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed, oo dhowaan loo magacaabay raysul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Dhanbaalkan hanbalyada ah ee uu Ra’iisul Wasaaraha Turkigu u soo diray dhiggiisa Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda Turkigu ay rajaynayso in labada qaran ay sii xoojiyaan xiriirka walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan ee labada ummadood.
Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale dhanbaalkiisa hanblayada ugu raajeeyey xukuumadda uu hoggaamin doono Cabdiweli Shiikh Axmed ay noqon doonto mid ku guuleysata hawlaha qaran ee loo igmaday iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba in ay noqoto mid beesha caalamka kala shaqaysa sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabbaali lahaa dalka Soomalaiya
Ugu damayntii, waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan xaqiijiyey in dowladdiisu ay sii wadayso dadaalada dib loogu dhisayo Soomaaliya, isagoo caddeeyey in ay ka go’an tahay in xilliyada soo socda ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.
Mareeg.com