Raysul Wasaaraha Soomaaliya oo kulay Raysul wasaare ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raysul Wasaaraha Soomaaliya oo kulay Raysul wasaare ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi – Mareeg.com: Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Abu Dhabi kula kulmay raysul wasaare ku-xigeenka dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ahna wasiirka arrimaha madaxtooyada, Sheikh Mansour bin Zayed bin Sultan Al Nahyan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga dalalka Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ma ahan mid bilow ah, waa mid soo jiray qarniyaal. Waxaa labada dal ka dhexeeya walaaltinimo, dalkani wuxuu is-garab taagay Soomaaliya xilligan iyo muddadii ay dhibaatooyinka xooggani ka jirtay Soomaaliya. Waxayna naga taageeri doonaan xasilloonida iyo dib-u-dhiska dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay ka qeyb-qaadaneyso dib u dhiska hay’adaha dowliga ah iyo adeegyada bulshada ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaare Cabdiweli Sheekh.

Raysul wasaare ku-xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ballan-qaaday inay diyaar u yihiin taageeridda Soomaaliya oo xilligan ka soo kabaneysa dhibaatooyinka dagaalladii sokeeye.

Sheikh Mansour ayaa sheegay inay xoojin doonaan taageerada kala duwan ee ay ugu talagaleen Soomaaliya.

“Waxaan diyaar u nahay is-garab-taagga Soomaaliya, waan sii xoojin doonnaa taageerada kala duwan ee aan ugu talo-galnay dalka Soomaaliya. Waxaa muuqata in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay waddadii dib-u-dhiska,” ayuu yiri Sheekh Mansuur ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo taageero u raadinaya xukuumaddiisa.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.