Raysul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raysul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi – Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Imaaraadka Carabta.

Raysulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Abu Dhabi ee xarunta Isutaga Imaaraadka Carabta ee (U.A.E).

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Madax sare sare oo ka tirsan boqortooyada Isutaga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi danjire Cabdul-qaadir Sheekhey ayaa wediga kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Abu Dhabi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa joogi doona dalkaas muddo 3 cisho ah, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa Imaaraadka Carabta.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Raysulwasaare Cabdiweli uu dalkaas kala hadli iskaashiga labada dal, gaar ahaana dhinacyada siyaasadda, dib u dhiska garsoorka, amniga iyo xasilinta iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka.

Raysulwasaare C/weli Sheekh ayaa bishii hore booqashooyin ku kala bixiyey dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!