Raysul Wasaaraha Soomaaliya booqasho gaaban ku tegay degmada Buulobarde ee Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raysul Wasaaraha Soomaaliya booqasho gaaban ku tegay degmada Buulobarde ee Hiiraan

Muqdisho – Mareeg.com: Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh Axmed iyo wafdi ka tirsan golaha wasiirrada ayaa maanta booqsho gaaban ku tegay degmada Buula-bure ee gobolka Hiiraan.
Raysulwasaaraha oo ay Muqdisho ka qaaday diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ah ayaa ka degtay saldhig ay Buulobarde ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalka Jabuuti.
Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maamuliyada maamulka gobolka Hiiraan Khaliif Cabdi Cumar ayaa sheegay in mudadii koobneyd ee uu ra’iisal wasaaruhu ku sugnaa degmada ay ka wada hadlleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen, nabad-galyada degmada, xaalada bani’aadanimo ee ka jirta, iyo siddii deegaannada gobollka ee laga saaray Al-shabaab, gaar ahaan Buula-burte iyo Maxaas loo geyn lahaa ciidaammo booliis ah oo ka shaqeeya nabad-galyada.
Khaliif Cabdi Cumar ayaa tilmaamay in Raysulwasaare C/weli Sheekh uu ka tacsiyeeyay saraakiishii iyo ciidamadii ku geeriyootay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee bishii hore Al-shabaab ay ku qaadeen hoteelka Camalow ee degmada Buula-burte oo xiligaa ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha maamulka.
Kulanka ayuu sheegay in ay goob joog ka ahaayeen saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM oo uu horkacayay Col Cismaan Dubad iyo qeybaha bulshada degmada Buula-burte.
Markaas Raysulwasaaraha ayaa u gudbay dhinaca magaalada Jowahar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo aheyd goobta markii hore la shaaciyey inuu tegayo hase ahaatee uu ku hormaray Buulobarde.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!