Raysul wasaaraha oo Muqdisho kula shiray wakiilo ka socday dalalka maaligeliya Hiigsiga Cusub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raysul wasaaraha oo Muqdisho kula shiray wakiilo ka socday dalalka maaligeliya Hiigsiga Cusub

Muqdisho – Mareeg.com: Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa maanta kula shirey magaalada Muqdisho wefdi ka socdey kooxda la yiraahdo G7+ oo ah deeq bixiyaasha ugu muhimsan Soomaaliya, isla markaana dhaqaalaha ku bixiya barnaamijka Hiigsiga Cusub “New Deal”.

Raysalwasaaraha waxaa kulanka ku weheliyey qaar kamid ah golihiisa wasiirada, sida Wasiirka Qorsheynta Siciid Cabdullaahi Deni.

Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa warbixin dheer ka siiyey wakiilada G7+ xaaladda dalka gaar ahaan goobaha laga saarey al-Shabaab.

Raysalwasaaraha ayaa ka codsadey wefdiga deeqbixiyaasha in si deg-deg ah loo gaarsiiyo mashruucyada hadda diyaarsan meelaha u baahan gaar’ahaan gobolada iyo degmooyinka al-Shabaab laga saarey halkaas oo ka taagan tahay baahi bini’aadan.

Kulankan ayaa la isla gartay in la mataaneeyo isla markaana la is waafajiyo qorshaha howlqabadka Xukuumada (Plan of action), ee mudada saddexda sano kaasoo xukuumadu u gudbisay golaha Baarlamaanka iyo qorshaha shirkii Brussels si loo dardargeliyo howlaha horumarineed ee la doonayo in la fuliyo sanadaha soo socda.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gabagabada shirka kadib warbaahinta la hadlay ayaa xusay in la isla gartay sidii loo dardargelin lahaa qorshaha New deal, sidoo kalena la is waafajiyo qorshaha xukuumada iyo qorshaha new deal.

“Arrimaha kale ee aan ka wadahadalnay waxaa ka mid ahaa dhaqangelinta nidaamka Federaalka, hagaajinta hay’addaha maaliyadda ee dawladda” ayuu yiri ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Deni.

Faafin: Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!