Muqdisho, Mareeg.com: Munaasabado iyo debadbaxyo lagu taageeray R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa lagu qabtay gobollada Banaadir, Galgaduud iyo Gedo.
Magaalada Muqdisho, waxaa munaasabad taageero ah lagu qabtay xarrunta degmada Yaakhsiid ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas laga soo jeediyey shirib lagu soo dhaweeyey R/wasaaraha cusub.
Dibadbax lagu taageerayo ra’iisul waasaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa saaka ka dhacay degmooyinka Luuq iyo Baled Xaawo ee gobolka Gedo.
Gudoomiyaha degmada Yaakhshiid Muxudiin Xasan Jurus ayaa sheegay in munaasabadii maanta ay ku sagootinayeen R/wasaarihii hore Saacid, kuna soo dhaweynayaan R/wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed.
Guddoomiyaha degmada Luuq, Axmed Buulle ayaa warbaahinta u sheegay in dibadbaxu uu yahay mid si nabadgalyo ah ku socda, ayna ka qayb-galayaan dadweyne fara badan oo isaga yimid guud ahaan degmada.
“Isku-soo-baxu wuxuu billowday saakay aroortii hore welina waa socdaa, waana mid lagu taageerayo ra’iisul wasaaraha cusub, runtii innagu aad ayaan u soo dhaweynaynaa magacaabistiisa waana ku faraxsannahay,” ayuu yiri Axmed Buulle.
Sidoo kale, waxaa debadbax lagu taageeray R/wasaaraha cusub lagu qabtay degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud.
Dhanka Puntland Musharraxa xilka madaxtinimada Puntland Cali Cabdi Waare ayaa soo dhaweeyey magacaabista C/weli Sheekh Axmed oo shalay xilkaas loo magacaabay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shalay R/wasaare u magacaabay C/weli Sheekh Axmed, kadib markii dhawaan baalamaanku kalsoonida kala laabtay R/wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Mareeg.com