Raysul Wasaaraha Cusub Cabdiweli Sheekh Oo Laga Taageeray Gobolka Baay

Baydhabo, Mareeg.com: R/wasaaraaha cusub ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa manta laga taageeray magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay.

Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyay mamaulka gobolka Baay, islamarkaana isugu jirtay soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed iyo sogootinta R/wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa manata lagu qabtay xaruunta ADC ee magaalada Baydhabo.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Xildhibaanno, Maamulka gobolka, kan degmada Baydhabo, odayasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee halkaasi ku dhaqan.

Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deerow oo ku hadlayaay magaca odayssah dhaqanka ee gobolka Baay ayaa sheegay in ay ka dhaqan ahaan ay taageersan yihiin ayna la shqeyn doonaan Ra’iisul wasaarah cusub ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in shacabka iyo Madaxda dalka ay si hufan ula shaqeeyaan R/wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Baay Cismaan C/risaaq Macalin “Diinsoor’ oo soo qaban qaabiyay munaasabada ayaa eebe uga baryay Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed in uu ku guuleeyo gudashada waajibaadka saaran

“Munaasabadaan waxa ay tahay u jeedkeeda mid aan ku soo dhaweyneyno Ra’iisul Wasaaraha cusub kuna Sagootineyno R/wasaarihii hore, waxaana halkaan isugu nimid in aan muujino taageerada aan u hayno R/wasaaraha Cusub” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo goobta hadal ka jeedeiyeey ayaa ku booriyeey mudanayaasha barlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya in codka kalsoonid ah ay siiyaan R/wasaare C/weli.

“Waxaan mudanayaasha baarlamaanka Federaalka ah ka codsanaynaa in ay codka kalsoonida ah siiyaan R/wasaaraha cusub, uuna rajeynayo in uu ka soo dhallaalo xilkiisa” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku daray.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Ibraahim Isaaq Yaroow oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya talaabadii uu ku magacaabay R/wasaaraha cusub, isagoo xusay in shacabka deegaanadaasi ay ka midaysan yihiin taageerada ay dawladda u hayaan.

“Waxaan madaxda iyo shacabka u sheegeynaa in shacabka iyo mas’uuliyiinta gobolka baay ay taageersanyihiin go’ankii uu Madaxweynaha ku magacaabay R/wasaare C/weli Sheekh Axmed, islamarkaana ay naga go’antahay in aan u muujino taageerada aan u hayno Dowladda iyo R/wasaare C/weli Sheekh Axmed” ayuu hadalkiisa ku daray.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh 12kii bishaan December, ayaa waxaa sii kordhayay banaan baxyada iyo munaasabadaha lagu taagerayo magacaabistaasi.

Mareeg.com