Ramadaan Kariim: Gobollada Soomaaliya oo laga wada soomay

Muqdisho – Mareeg.com: Saaka oo Axad ah ayaa dalka Soomaaliya oo dhan laga wada soomay bisha barakeysan ee Ramadaan, kadib markii bishu xalay curtay. Waxaa sidoo kale laga soomay dunida Muslimka.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada iyo Alshabaab ayaa siyaabo kala duwan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeey bilshada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhamaan maamullada kala duwan ee ka jira dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka faa’iideystaan bishaan barakeysan, islamarkaana ay ka fogaan waxyaabaha xun xun.

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa soo yaraanayey in la isku khilaafo xilliga soonku bilaabanayo iyo xilliga la afurayo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245